Macalimiintii Saxay Imtaxaankii Shahaadiga oo Cabasho xoogan kasoo yeertay

160 Macalin oo ahaa Macalimiintii Saxay Imtixaankii 2019- 2020 ayaa ka Cabanaya Xaquuq shaqo oo ay ku leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Faderaalka

” Muddo dhawr iyo labaatan Maalmood ah ayay socotay howsha saxidu oo bilabanasay 6:30am ilaa 5:30pm Subaxii ilaa Maqribkii ayey yiraahdeen Macalimiintaa oo sheegey in Wasaaradd noo sheegtey in muddo Sadex maalmood ah Xaquuqdooda ku heli Donaan marka ay dhameeyan saxida

” Muddo Shan Sanno ah ayaan saxeyney imtixaanka Dowlada sidaa darteed waxay ahayd in Xaquuqdeena nalagu daro Abaal marin maadaama aan soo shaqeyney waqti adag

” Diinta Islaamka ayaa na fareysa in qofka Shaqaalaha ah in inta uu Dhididkiisa qoyan yahay la siiyo Xaquuqdiisa” ayey yiraahdeen Macalimintaas oo sheegey in Xaquuqdaas ay ka maqan tahay muddo laba bilood ka badan

Macalimiintaas waxay ka Codsanayaan Wasiirka Cusub Wasaarada Waxbarashada Cabdulaahi Carab in uu gacan ka geysto sidii aan ku heli lahayn Xaquuqda naga Maqan ku da,daalo in ayna sanad danbe dhicin sidan oo kle maadaama aan ognahay Wasiir Carab uu aad u garanayo Qiimaha uu leeyahay Macalinka walib waxaa Wasiirka Xasuusineynaa in ay soo dhawdahay Maalinta Macalinka ee 21 November

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -